Xidigii hore kooxda Chelsea Michael Essien ayaa si awood leh u beeniyay wararka la isla dhexmarayo internet-ka kaas oo ah inuu qabo cudurka EBOLA oo naafeeyay dalal badan oo Afrika ah.
Cudurkaan dilaaga ah ayaa galaftay nolosha dad badan oo u dhashay dalalka Galbeedka Afrika, iyadoo sidoo kale cudurkaan laga soo sheegay dalal ay ka mid yahiin yurub iyo mareykanka.
Si kastaba warar aad loo baahiyay oo twitter-ka la isla dhexmaray ayaa sheegay in xidiga reer Ghana Michael Essien uu qabo cudurka EBOLA, bogiisa twitter-ka ayuuna ku beeniyay.
“Wax run ah maahan wararka Internet-ka laga baahiyay ee sheegaya inaan qabo cudurka EBOLA, aad baan u wanaagsanahay, waxaana tababarka kusoo laabanaya berito”
“Cudurka Ebola waa cudur qatar ah, mana ahan wax dadka ay ku kaftamaan”

Ugu dambeyntii wararkaan ayaa qalqal galinaya kooxaha qaarada yurub ee ay ku sugan yahiin xidigaha Afrikaanka ah ee badi wadankooda matala kuwaas oo isbuucyadii ugu dambeeyay xulalkooda kala qeyb galayay isreeb-reebka African Cup of Nation.