Home » Maxaa Cusub » Michael Owen Oo Ka Hadlay Arimo Quseeya Di Maria, Sanchez Iyo Welbeck

Michael Owen Oo Ka Hadlay Arimo Quseeya Di Maria, Sanchez Iyo Welbeck


Sanchez (4)

Halyeeygii hore ee kooxda Liverpool Michael Owen balse waayihiisii cayaareed ku dhameestay kooxda Man United ayaa si gaar ah uga hadlay arimo quseeyo Alexis Sanchez, Angel Di Maria iyo Danny Welbeck.

Owen oo ah shaqsi haatan taxliiyo Premiership-ka England ayaa ka dhawaajiyay in Alexis Sanchez uu haatan ka waxqabad wanaagsan yahay Di Maria sidoo kalena wuxuu Owen ka dhawaajiyay in Sanchez lacagaha laga soo bixiyay uu u qalmo.

“Waxaan u maleynayaa Diego Costa iyo Alexis Sanchez ay u qalmaan lacagaha laga soo bixiyay, waxaana dhihi karaa labadan xidig iyaga ayaa kaga waxqabada wanaagsan Di Maria iyo James Rodriquez”

“Sanchez waa xidig aan aad ula dhacsanahay sida uu Arsenal ula qabsaday balse waxaad moodaa Di Maria lacagaha lagu soo iibsaday inuusan u qalmin”

Angel Di Maria tan iyo bishii October wax gool ah kooxdiisa Man United uma dhalinin waxayna United xidigan xagaagan kusoo iibsatay £59.7m.

Dhanka kale Owen ayaa dhaliiyay go’aankii ay Man United ku iibisay Danny Welbeck oo ay xagaagaan kooxda Arsenal ku iibsatay £16m.

“Qalad weyn ayay Man United gashay mana ahayn inay Danny fasaxdo”

“Inkastoo United ay haatan heesato weeraryahano tayo wanaagsan hadana labo sano ama sedex sano kadib United waxay ku qasbanaan doonaa inay weeraryahano lacago aad u sareeyo kusoo iibsato”

“Sidaa darteed Danny waa xidig mustaqbakiisa wanaagsan yahay waxaana fiicneen in garoonka Old Trafford lagu sii haayo”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>