Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Borrusia Dortmund Michael Zorc ayaa gaashaanka u daruuray wararka sheegaya iney heleen dalabyo ku aadan xidigaan reer Jarmal iyadoo saxaafada Ingiriiska ayba ka dhawaajiyeen in United iyo Dortmund ay qiimaha xidigaan ka heshiiyeen.
Dortmund ayaa dhamaadkii April xaqiijisay in xidigaan uusan heshiiska u kordhin doonin kooxda inkastoo uu dhacayo June 2016, hadana Dortmund ayaanba dooneyn inuu ilaa xiligaas sii joogo madam ay kaash ku dooneyso.
“Mar hore ayaan dhameynay wadahadalka xidiga, mana doonayo inuu heshiiska kordhiyo, waxaan rumeysanahay inuu baxayo xagaagan, waxeyna ku xiran tahay dalabyada aan helno” Ayuu Zorc yiri isagoo u waramayay Todomercadoweb.
“Waqti xaadirkaan meel uu aadayo ma cada” Ayuu hadalkiisa ku daray.
Sidoo kale kooxaha Man United, Bayern iyo Arsenal ayaa xidigaan xiiseynaya inkasto aysan wali dalab rasmi ah u gudbin kooxda Dortmund.
Ugu dambeyntiina Louis Van Gaal ayaa xiiso u qaba Gundogan isagoo doonaya inuu kooxdiisa ku xoojiyo wuxuuna ku jiraa liiska uu soo bandhigay.