Agaasimaha ciyaaraha kooxda Borrusia Dortmund Michael Zorc ayaa u sheegay Man United in Mats Hummels uusan ka dhaqaaqi doonin xagaaga soo aadan garoonka Signal Iduna Park.
Daafacaan dhexe ayaa la aaminsan yahay inuu ka mid yahay liiska xidigaha uu Louis Van Gaal ka baadi goobayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
“Marka aad tahay 26-jir waa inaad mustaqbalkaaga ka taxadarto, isla markaana aad ka walwasho mustaqbalkaaga”
“Balse sida xaqiiqda ah Dortmund iyo Hummels waxey si cad u sheegayaan in xidigaan uu Dortmund u dheeli xagaaga soo aadan”
Ilky Gundogan ayaa sidoo kale la filayaa inuu isaga tago Dortmund xagaagan, madama uusan kooxda heshiis cusub u kordhin doonin kooxda wuxuuse ka raali galiyay xidiga dhaleeceynta ay jamaahiirta kooxda usoo jeediyeen.
“Gundogan isagaa go’aansaday inuu baxo, waana go’aan uu gaaray” Ayuu yiri, “Mana u maleynayo iney cadaalad tahay in jamaahiirta qaar ay ku dhaleeceeyaan inuusan waxqabad u sameyn”
Ugu dambeyntii Dortmund laba kulan ayaa kaga haray xili ciyaareedkaan, madama ay Sabtida Werder Breman marti galin doonaan halka ay Filanka sidoo kalana kula ciyaari doonaan Wolfsburg.