Home » Maxaa Cusub » Michel Platini Oo Si Rasmi Ah Shaaca Uga Qaaday Inuu Musharax U Yahay Hogaanka FIFA

Michel Platini Oo Si Rasmi Ah Shaaca Uga Qaaday Inuu Musharax U Yahay Hogaanka FIFA


Michel+Platini+

Gudoomiyaha xiriirka kubada Yurub (UEFA) Michel Platini ayaa si rasmi ah u sheegay inuu musharax u yahay jagada hogaaminya FIFA.

Michel Platini waa shaqsiga ugu cad cad ee la filaayo in hogaanka FIFA loo doorto madaama uu kalsooni buuxdo ka heesto xiriirada qaaradaha kala ah Koonfur Ameerika, Waqooyiga Ameerika iyo Asia.

Sidaa darteed masuulkan waxaa lagu dhiiri galiyay inuu FIFA la wareego sidoo kalena sumcada xiriirka kubada cagta aduunka uu dib usoo celiyo.

Michel Platini oo 60-jir ah wuxuu yiri “Waxaan doonayaa inaan isbadal ku sameeyo FIFA sidoo kalena mararka qaar go’aanka noloshaada adiga ayaa hagi karo”

Michel Platini wuxuu istaagi doonaa inuu Sepp Blatter badalo ayadoo doorashada FIFA la qaban doono 26-ka bisha Febraayo ee sanadka dambe.

Michel Platini dhawaan ayaa mar sedexaad loo doortay gudoomiyaha UEFA madaama uu in badan hormariyay kubada cagta Yurub.

Balse markaan doonayaa wuxuu doonayaa kubada cagta caalamka oo musuq maasuq iyo fadeexo badan ragaadisay inuu wax weyn ka badalo hadii uu doorashada FIFA ku guuleesto sanadka dambe.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>