Home » Maxaa Cusub » Mid Ka Mid Ah Halyeeyaashii Hore Ee Chelsea Oo Ku Booriyay Macalin Jose Mourinho Inuu Goolhaye Petr Cech Arsenal Ka Iibiyo!

Mid Ka Mid Ah Halyeeyaashii Hore Ee Chelsea Oo Ku Booriyay Macalin Jose Mourinho Inuu Goolhaye Petr Cech Arsenal Ka Iibiyo!


Cech

Daafacii hore ee kooxda Chelsea Jason Cundy ayaa ku booriyay macalin Jose Mourinho inuu kooxda Arsenal ka iibiyo goolhaye Petr Cech.

Waayo ruug cadaa Jason Cundy ayaa aaminsan in Arsenal aysan haatan halis ku ahayn Chelsea sidoo kalena Gunners-ka kama mid ahan kooxaha xili cayaareedkan Chelsea kula tartami karaan hanashada EPL.

Jason Cundy wuxuu yiri “Haatan wax dhib ah uma arko cayaaryahan Cech in laga iibiyo Arsenal waayo Arsenal halis naguma ahan sidoo kalena awood ahaan horyaalka managula tartami karaan”

“10-sano ka hor waan ka cabsan jiray Arsenal waxaana u arkay xiligaas koox naga awood badan balse maanta dhibaato malahan hadii cayaaryahankeena uu Arsenal aado ileen awood ahaan wax badan ayay naga hooseeyaan”

Goolhaye Petr Cech oo haatan 32-jir ah ayaa kooxdiisa Chelsea ka dalbaday in bisha Janaayo la iska fasaxo waxaana la hadal hayaa in Arsenal ay xidigan ku iibsan doonto  £7m.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>