Jordi Mestre oo ka mid ah madaxda kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u sheegay inay mar labaad wada hadalo la bilaabi doonaan naadiga Juventus si ay arinka Paul Pogba kala heshiiyeen.
Kooxda Barcelona bishii hore waxay ku fashilmatay inay dhigeeda Juventus kala heshiiso qiimaha Paul Pogba madaama kooxdan laga diiday dalab lacageed oo lagu sheegay 80-milyan oo euro ah.
Balse Jordi Mestre ayaa shaaca ka qaaday inay markale Juve arinkan kala xaajoon doonaan wuxuuna yiri “Barcelona waxay diyaar u tahay inar mar labaad Juve kala hadasho qaabkii Pogba aan kaga heli laheyn”
“Balse maamulka wax tilaabo ah ma qaadi doonaan ilaa macalin Luis Enrique uu naga dalbado inaan kooxda kusoo kordhino saxiixyo awooda naadiga sare u qaadi karaan”
“Pogba wuxuu ka mid yahay xidigaha Barcelona qorshaha ugu jiro inay lasoo saxiixato balse tilaabo walbo si taxadir ku dheehan ayaan u qaadi doonaa”
Inkastoo Barcelona ay suuqa Yurub ka ganaaxan tahay hadana kooxdan waxay ilaaa haatan sameesay labo saxiix oo muhiim ah waxayna naadiga Atletico Madrid kasoo iibsatay Arda Turan iyo Aleix Vidal oo isagana Sevilla ka yimid balse labadan xidig uma cayaari karaan Barcelona ilaa sanadka cusub laga gaaro.