Milkiilaha kooxda Inter Milan Erick Thohir ayaa si rasmi ah kaga hadlay qorshaha ay xagaagan kooxdiisa maagan tahay wuxuuna si gaar ah uga jawaabay tilaabada ay kooxdiisa qaadi doonto.
Masuulkan ayaa qirtay inay dadaal ugu jiraan sidii ay Yaya Toure ula soo saxiixan lahaayeen marka uu xili cayaareedkan dhamaado.
Wuxuuna yiri “Yaya heshiis ayuu Man City kula jiraa balse inaan xiiso u qabno ma ahan wax la qarinaayo sidoo kalena suuqa laacibkii lasoo dhigo koox walbo ayaa iibsan karto”
Xidiga Inter Milan ugu muhiimsan Mauri Icardi ayaa sidoo kale la hadal hayaa marka uu xili cayaareedkan soo idlaado inuu naadiga Chelsea u dhaqaaqi doono hadaba masuulkan muxuu ka yiri?
“Marnaba ma iibin doono Icardi waa xidiga noogu muhiimsan, mararka qaar lacagta dhibaato wey nagu abuuri kartaa balse Icardi lagam yaabo inaan lacag dhaafsano”
“Waa muhiim inuu nala joogo mudo dheer haatana waxaan ka shaqeyneynaa sidii uu heshiis cusub qalinka ugu duugi lahaa waana ku kalsoonahay inuu San Serio mudo dheer sii joogi doono”
Kooxda Inter Milan waxaa la filaa inay xagaagan suuqa Yurub ku mashquuli doonto madaama ay xidigo badan naadigan ku raad joogto.