Home » Horyaalada » La Liga Spain » Milkiilaha PSG Oo Iska Fogeeyay In Kooxdiisa Ay Dani Alves Saxiixiisa Damac Kaga Jiro

Milkiilaha PSG Oo Iska Fogeeyay In Kooxdiisa Ay Dani Alves Saxiixiisa Damac Kaga Jiro


Alves

Dhawaanahan warar is qilaafsan ayaa ka socdeen labada dhinac ee Barcelona iyo PSG waxaana la hadal haayay in daafaca reer Brazil Dani Alves uu heshiis hordhac ah la gaaray PSG.

Sidoo kalena xidigan gabadha wakiilka u ah ayaa sheegtay inay Dani aqal cusub uga iibin rabto magaalada Paris madaama xagaagan uu caasimada France u guuri doono.

Balse wararkaas oo dhan waxaa wax kama jiraan kasoo qaaday masuulka kooxda PSG iska leh Nasser Al-Khelaifi oo iska fogeeyay in kooxdiisa ay Alves heshiis la gaartay.

“Waa run Paris hada ka hor Alves saxiixiisa wey ku raad joogtay balse haatan qorshaha nooguma jirto inaan xidigan lasoo saxiixano”

Al- Khelaifi oo la hadlaayay jariirada  L’Equipe wuxuu hadalkiisa sii daba dhigay “Alves waa laacib waaya araga ah una cayaari karo dhamaan kooxaha Yurub ugu wanaagsan balse anaga ma nihin koox qarsato qorshaheeda haatana kuma fikireyno inaan lasoo saxiixano”

Geeska kale masuulkan ayaa sheegay in kooxdiisa Paris ay heshiis cusub ka saxiixi rabto daafaceeda garabka midig Gregory van der Wiel madaama uu rabo milkiilahan in dhamaan xidigaha kooxdiisa ku sugan ay mudo dheer isla sii joogaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>