Home » Europe » Champions League » Mirelam Pjanic: “Waxaan Iska Diiday Fursad Aan Ugu Biiri Lahaa Bayern Munich”

Mirelam Pjanic: “Waxaan Iska Diiday Fursad Aan Ugu Biiri Lahaa Bayern Munich”


Pjanic

Kubad sameeyaha kooxda Roma iyo xulka Bosnia Mirelam Pjanic ayaa ku dhawaaday inuu ku biiro kooxda Bayern Munich sanadii 2008, balse wuxuu xiligaas ka doortay inuu ku biiro kooxda Lyon ee ka dhisan faransiiska.

Xidigaan reer Bosnai ayaa xili ciyaareedkii 2007-2008 kasoo hilaacay kooxda Metz wuxuuna noqday mid ka mid ah ciyaartoyda loogu doonista badan yahay yurub.

Bayern Munich ayaa ka mid aheyd kooxahii doonayay xidigaan, balse xidiga diyaar uma uusan aheyn inuu u ciyaaro.

“Waxaan aaday Munich si aan Bayern ugala hadlo arimo la xiriira saxiixeyga markaan ahaa 18-jir” ayuu yiri Pjanic.

“Wax walba waxey ku dhaceen si aan qalad laheyn, balse si fudud ayaan ku doortay Lyon oo aheyd dooq ii fiicnaaday ugu dambeyntii”

“Kuma fakarin waqtigaas inaan u ciyaaro koox weyn sida Bayern, sidaas darteed waxaan go’aansaday inaan iska joogo faransiiska, waan aqaanay luqada, dadka wey i yaqaaneen, Lyon ayaana ii noqoday doorasho fiican”

“Kama qoomameynayo inaan go’aankaas qaatay, waxeyna aheyd dhaqaaq fiican xiligaas”

Si Kastaba laba xili ciyaareed kadib Pjanic ayaa 2010 kusoo biiray Roma halkaas oo uu ka bilaabay hormar aad u sareeya.

Hadalka 24-jirkaan ayaa kusoo aadaya xili Roma ay Bayern ku booqaneyso Munich caawa kulan ka tirsan Champions League, iyadoo kooxda reer talyaani ay fadhiso booska 2-aad kala horeynta group E.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>