Weeraryahanka kooxda SS Lazio Miroslav ayaa ku dhawaaqay inuu isaga tagi doono kooxdiisa marka uu dhamaado xagaagan goor sii horeysay waxaana haatan lasoo sheegayaa warar xidigaan la xiriirinaya kooxda Sao Paulo ee dalka Brazil.
Sida ay sheegayaan ilo ku dhaw xidigaan Brazil ayuu ka dhici doonaa isagoo ka dooran doona kooxaha Tottenham iyo Aston Villa oo isku heysta saxiixiisa haatan.
36-jirkaan heerka caalami ayaa ka mid ahaa xidigahii xulka qaranka Jarmalka kula guuleystay koobkii Aduunka 2014ka lagu soo afjaray Brazil, waxaana intaas u sii dheeraa inuu haatan yahay xidiga ugu badan goolasha laga dhaliyo koobka Aduunka isagoo dhaliyay 16-gool.
Fox Sports Brazil ayaa cadeysay in xidigaan uu doorbidayo ku biiritaanka kooxda Sao Paulo, kadib markii ay xidigaan u direen wakiilo soo qiimeya qaabkiisa dhawaan.
Sidoo kale qorshe kala ayaa jira oo xidigaan ku jiidaya horyaalka Mareykanka, sidoo kalana waa macquul inuu dib ugu laabto Bundesliga.
Ugu dambeyntii Miroslav Klose wuxuu xagaagan u dhaliyay kooxdiisa 13-gool, 27-kulan oo uu u saftay dhamaan tartamada oo dhan.