Halyeeyga xulka Jarmalka Miroslav Klose ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto horyaalka uu kusoo shaac baxay ee Bundesliga xili si ba’an loola xiriirinayo kooxaha Tottenham Hotspur iyo Aston Villa.
Klose ayaa doonaya inuu isaga hayaamo kooxda SS Lazio marka uu dhamaado xagaagan, 36-jirkaan ayaa dhaliyay shan gool, shantii kulan ee ugu dambeysay oo uu u ciyaaro Lazio taasoo kooxdiisa ka caawisay iney soo tiigsato booska sadexaad ee laga soo aado Champions League.
Lazio waxey booskaan kala baxday kooxda Napoli iyadoo ka sareysa shan dhibcood, wuxuuna isha ku hayaa Klose inuu kooxdiisa usoo saaro koobka horyaalada yurub.
Si Kastaba Kicker ayaa xidigaan weydiisay hadii uu doonayo inuu dib ugu soo laabto Bundesliga wuxuuna yiri:
“Ma ogaan karo waxa aan sameyn doono, waan kusoo laaban karaa Bundesliga”
Sidoo kale Klose ayaa hadalkiisa intaas sii raaciyay, “Waxey noqon doontaa go’aan aan ka qeyb galiyo qoyskeyga, haatan kaliya muhiimadeyda waa inaan Champions League usoo saaro Lazio”