Home » Maxaa Cusub » Mirror: Arsenal Oo Diyaar U Ah Iney Dalab Ku Aadan Arturo Vidal U Gubdiso Kooxdiisa Juventus

Mirror: Arsenal Oo Diyaar U Ah Iney Dalab Ku Aadan Arturo Vidal U Gubdiso Kooxdiisa Juventus


Vidal (2)

Arsenal ayaa markaan diyaar u ah iney dalab buuxa u gudbiso kooxda Juventus kaas oo ku aadan burburiyaha reer Chile Arturo Vidal sida ay qortay Daily Mirror.

Mirror ayaa sidoo kale warbixinteeda ku dartay in Arsenal ay dalab 21.3 Malyan ah u gudbin doono Juventus, inkastoo kooxda ka dhisan Turin ay xagaagii hore 40 Malyan Oo Pound dalab ah ka diiday Manchester United oo si ba’an xidigaan u baadi goobeysay.

Warar ka imaanaya Spain iyo Italy ayaa si hoose u shaaciyay dhawaan in kooxda ka dhisan Juventus Arena ay dooneyso iney iibiso Arturo Vidal, iyadoo sidoo kale warar ay jiraan warar qarsoodi ah oo sheegaya in Alexis Sanchez uu Vidal ku qalqaalinayo imaatinka Emirates.

Lama oga hadii ay Juventus aqbali doonto dalabka ay Arsenal kasoo gudbin doonto dhawaan Arturo Vidal, walow kooxdaan ay heshay Sami Khedira.

Si kastaba Paul Pogba iyo Pirlo ayaa qudhooda la filayaa iney kooxda ka hayamaan, balse la arki doonaa sida uu noqdo xaalka Bianconerri./

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>