Sida ay qortay Daily Mirror kabtanka kooxda Manchester City ayaa laga reebay kulankii ay kooxdiisa 2-0 guul ah ka gaartay Leicester City, inkastoo la garan waayay markii hore sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in xidigaas kooxda muhiimka u ah laga tago.
Mirror ayaase banaanka keentay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arinkaas waxeyna ku micneeyeen isku dhac dhex maray Kompany iyo Fernandinho kulankii Liverpool.
Kompany oo kursiga fadhiyay kulankaas ayaa intii qolka labiska lagu jiray qeybtii hore ciyaarta, ku eedeeyay goolka Liverpool inuu masuul ka yahay Fernandinho taasoo keentay in labada xidig ay isku dhacaan, inkastoo Kompany uu diiday hadalo kaga yimid Pellegrini oo ku aadanaa inuu xiisada dajiyo.
Lama hubo hadii kabtanka lasoo safi doono kulanka ay sabtida la ciyaari doonaan kooxda Burnley, walow xiisadii ay wali taagan tahay.
Ugu dambeyntii bandhigga Kompany ee bilooyinkii u dambeeyay ayaa sii xumaanayay taasna waxey kooxda galin kartaa haliso badan.