The Mirror ayaa shaacisay in tababaraha reer France ee leyliya kooxda Arsenal uu dib usoo celiyay xiisahii uu u qabay wiilka ku rafaadsan magaalada Paris Yohan Cabaye.
Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa ku dhawaatay saxiixa xidigaan reer France xili ciyaareedkii hore ka hor inta uusan ku biirin PSG, waxeyna markaas u gudbiyeen Newcastle United oo uu ka tirsanaa dalab 10 Malyan Oo Pound.
Yohan Cabaye ayaa 15 Malyan Oo Pound ugu wareegay PSG, bishii January ee sanadii 2014, balse wuxuu ku fashilmay inuu safka hore ka noqdo kooxdiisa waxaana haatan la hadal hayaa inuu isaga tagayo kooxda uu hogaamiyo Laurent Blanc.
Mirror ayaa qormadeeda intaas ku dartay in Cabaye uu doonayo inuu wax badan ciyaaro, taasna waxey albaabka u fureysaa inuu si sahlan kusoo gaaro Emirates.
Ugu dambeyntii Arsene Wenger ayaa doonaya inuu la midoobo Yohan Cabaye, marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan.