Kubad sameeyaha kooxda Manchester United Juan Mata ayaa amaan aan loo meel dayin dusha kaga tuuray macalinkiisii hore Rafael Benitez kaas oo uu kasoo hoos ciyaaray waayahiisa Chelsea wuxuuna Mata qiray in waqtigii Chelsea uu ahaa kii ugu fiicnaa oo uu kasoo hoos ciyaaro.
Macalinka cusub ee Madrid ayaa saxiixyo cusub raadinaya waxaana laga yaabaa in Juan Mata uu soo galo shaxda uu Benitez doonayo inuu Real Madrid ku xoojiyo xagaaga soo aadan.
“Waxaan la joogay Chelsea inagoo ku guuleysanay Europa League. wuxuu ahaa xili ciyaareed weyn, wuxuu ahaa waqtigii iigu fiicnaa, Benitez wuu yaqaana ahalka uu xidig walba ku haboon yahay wuxuuna xidiga ku helaa qaabkisa ugu fiican”
Dhanka kale Mata ayaa doonaya in David De Gea uu sii joogo Old Trafford, balse uu ogyahay in David De Gea uu dhaqaaqi doono.
“Dad badan ayaa wax iga weydiiyay arintiisa, waa saaxiibkeyga ugu fiican waxaan doonayaa inuu faraxasnaado, waana mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu fiican dunida waqtigaan”
Hadalka Juan Mata ayaa laga fahmay in De Gea uu Real Madrid ku biiri doono sidoo kalana uu aad u aaminsan yahay Mata Rafael Benitez oo Chelsea ku maamulay waxaana macquul ah in hadii uu dalab xagiisa kaga yimaado uu indho la’aan aqbalo.
Ugu dambeyntii Juan Mata ayaa ka mid noqday xidigaha muhiimka ah ee kooxda Manchester United inkastoo maalmihii ugu horeeyay Van Gaal uu kursiga keydka daris la noqday.