Burburiyaha ay kasii dhamaaneyso ee kooxda Bayern Munich ayaa ka hadlay furaha rasmiga ah ee ka dambeeya inuu ka tago kooxda Real Madrid kuna biiro naadiga Bayern Munich.
Xabi Alonso ayaana ku biiray July sanadii hore kooxda Bayern Munich isagoo markaas kasoo hayaamay kooxda Real Madrid.
Alonso ayaa Pep Guardiola ku tilmaamay mid qeyb weyn ka ah go’aankii uu ugu biiray kooxda Bavarian-ka lagu neynaaso ee Bayern.
“Markii aan garaacnay Atletico finalkii Champions League, waxey aheyd waqti aan sameeyo mar kale kala duwanaasho” Ayuu Alonso u sheegay Fifa Weekly.
Sidoo kale Alonso ayaa mid ka mid ah sadexda koox ee ugu quwada weyn kubada cagta ku tilmaamay koodiisa Bayern isagoo si gaar ah u amaanay Pep Guardiola.
Xiriirka u dhaxeeya Pep iyo Xabi ayaana ah haatan mid aad u wanaagsan iyadoo kooxda ka dhisan Bayern ay ku jirto waqti qurux badan.