Home » Horyaalada » italian Serie A » Mohamed Salah Oo Soo Gaba Gabeeyay Mudo 2-Sano Oo Aan Kooxda Juve Garoonkeeda Looga Badinin

Mohamed Salah Oo Soo Gaba Gabeeyay Mudo 2-Sano Oo Aan Kooxda Juve Garoonkeeda Looga Badinin


salah-juve-goal490epa

Xidiga reer Masar ayaa laga yaaban yahay Mohamed Salah wuxuuna markan rikoor mudo dheer naadiga Juve u yiilay ayuu jebiyay!

Salah ayaa kooxdiisa Fiorentina guul muhiim ah ka siiyay Juventus lugta kowaad ee Semi-finalaha Copa Italia cayaar ka dhacday garoonka Juve.

Salah ayaa dhaliyay labada gool ee Viola ku badisay wuxuuna soo gaba gabeeyay mudo labo sano ah oo aan kooxda Juve garoonkeeda quruxda badan looga badinin.

Juve waxaa ugu dambeesay guuldaro garoonkeeda kula dhacdo April 2013 habeen Bayern Munich 2-0 ugu awood sheegtaya wareega 8-aad ee koobka horyaalada Yurub.

Wixii markaas ka dambeeyay Juve waxay garoonkeeda ku cayaartay 42-kulan ayadoo guuleesatay 38-kulan halka 4-kulana ay bar bar dhac gashay.

Balse Mohamed Salah ayaa soo qatimay iskoorkii ay ku adkaatay kooxaha Yurub ugu caansan inay jebiyaan.

Hadaba xidiga reer Masar asigoo mudo gaaban ku sugan dalka Talyaaniga ayuu hadana galay buuga lagu qoro iskoorada dalk Talyaaniga kubada cagta laga cayaaro!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>