Home » Europe » Champions League » Mourinho: “Afarta Koox Ee Ugu Sareysa EPL-ka Hadii Ay Messi Heysan Lahaayeen Wey Ku Guuleysan Lahayeen Champions League”

Mourinho: “Afarta Koox Ee Ugu Sareysa EPL-ka Hadii Ay Messi Heysan Lahaayeen Wey Ku Guuleysan Lahayeen Champions League”


Mou and Messi

Macalinka reer Portugal ee leyliya kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ka dhawaajiyay in kooxaha Arsenal, Chelsea, Man City iyo Man United ay ku guuleysan lahaayeen Champions League-ga hadii kooxdooda uu ku jiri lahaa Messi.

Messi ayaa bandhig lala cajiibo soo bandhigay kulan ay kooxdiisa Barcelona 3-0 ku garaacday Bayern Munich kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub wareegiisa Semi Finalka kas oo ka dhacay Camp Nou dhamaadkii todobaadkii hore.

Mourinho ayaa amaan kala dul dhacay wiilka heysta afarta jeer xidiga ugu wanaagsan dunida isagoo tilmamay inuu kooxaha England guulo dhanka yurub ah siin lahaa.

“Waxey ila tahay in xidigaan nafsadiisa uu abuuri karo kala duwanaasho” Ayuu Mou u sheegay warbaahinta, “Shaki ma galin kartaa in Man City ay ku guuleysan laheyd UCL iyadoo heysata Messi? Arsenal oo heysta Messi? Chelsea oo heysata Messi? Man United oo heysata Messi? kuma fakari kartid, balse aniga waan ku fakaray”

“Hal shey ayaa koox ah, sheyga kalana waa koox heysata Messi, waana sheeko kala duwan”

“Wuxuu Finalka Champions League-ga kaga hoos ciyaaray Guardiola, haatana Enrique ayuu kaga hoos ciyaari doonaa” ayuu yiri Mou.

Sidoo kale Mourinho ayaa sheegay iney saacado badan uga baxdo diyaarinta habka loo joojiyo Messi mar walba oo uu ka hor yimaado, isagoo intaas ku daray inuu marar badan ku guuleystay mararna uu ku guuldareystay, wuxuuna qiray in Semi Finalkii 2010 uu ku guuleystay inu celiyo markii Inter Milan joogay.

Ugu dambeyntiina Mourinho ayaa aaminsan in Barcelona ay gaartay Finalka koobka horyaalada yurub inkastoo isbadal walba uu imaan karo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>