Home » Maxaa Cusub » Mourinho Oo ka Hadlay Sheekada Marco Reus La Xiriirineysa Kooxdiisa Chelsea

Mourinho Oo ka Hadlay Sheekada Marco Reus La Xiriirineysa Kooxdiisa Chelsea


Reus

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ka hadlay wararka maalmahaan la xiriirinaya xidiga Borrusia Dortmund Marco Reus, xili uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas ay baahiyeen saxaafada ingiriiska.

Wararka ay baahiyeen saxaafada Ingiriiska ayaa tibaaxayay in Chelsea ay 20 Malyan iyo Andre Schurrle ay ku baadi goobeyso xidigaan Dortmund ka tirsan ee Marco Reus, balse macalinka reer Portugal ayaa u muuqda mid soo dhameeyay arinta la xiriirta xidigaan madama uu inkiray wararkaaas.

Sida xaqiiqda ah Marco Reus wuxuu qandaraaskiisa dhacayaa 2015, balse xidigaan dhaawacyo ayaaba hareeyay mustaqbalkiisa sanadkaan markii uu dhaawacmay wax ka badan sadex jeer.

Si Kastaba Mourinho oo yaqaana shaqsiyada xidigaan isla markaana taageero u ah ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa aysan ku raad joogin isla markaana aysan iibin doonin Schurrle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>