Home » Maxaa Cusub » Mourinho Oo La Hadlay Arsenal Iyo Man United: “Hadaad Dooneysaan Peter Cech Waa Inaad Xidig Kale Igu Soo Wareejisaan”

Mourinho Oo La Hadlay Arsenal Iyo Man United: “Hadaad Dooneysaan Peter Cech Waa Inaad Xidig Kale Igu Soo Wareejisaan”


Cech (2)

Macalinka reer Portugal ee leyliya kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa digniin u diray kooxaha doonaya Peter Cech isagoo u sheegay iney ku qasbanaan doonaan iney mid ka mid ah ciyaartoydooda soo wareejiyaan.

Goolhayahaan reer Czech Republic ayaa doonaya inuu sii joogo Magaalada London taasoo ka dhigan inuu Arsenal jecel yahay ku biiritaankeeda.

Si kastaba kooxaha labada ah ee xidigaan isha ku haya saxiixiisa ayaa gamban doona madama Mourinho uu cabsi galiyay una sheegay iney ka samraan mid ka mid ah xidigahooda hadiiba ay soo haweesteen Peter Cech.

Peter Cech wuxuu haatan wadahadal kula jiraa maamulka kooxda si balantii ay horay uga qaadeen ay u oofiyaan taasoo aheyd iney ka iibinayaan hadii uu helo koox dooneysa.

Ugu dambeyntiina lama oga in kooxahaan ay midkood ogolaan doonto iney hal xidig soo dhiibaan iyo ine si caadi ah ku heli doonaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>