Tababaraha kooxda Blues Jose Mourinho ayaa ka dhawaajiyay in xidigiisa reer Serbia Nemanja Matic uu ka dhaawacmay kubka xili xidigaan uu u dabaal dagayay koobkii ay kooxdiisa ku guuleysatay ee Capital One Cupka.
Matic ayeysan suuragal u aheyn inuu ciyaaro kulankii ay kooxdiisa 2-0 ku dhaaftay Tottenham kulankii kama dambeysta koobka Capital One Cup, balse wuxuu fursad u helay inuu ka qeyb qaato dabaal dagii kooxda.
Inkastoo uu dhaawacmay, tababare Mourinho ayaa dajiyay niyada jamaahiirta kooxda isagoo u sheegay in xidigaan uu xaadir ahaan doono kulanka PSG ee lugta labaad wareega 16-ka Champions League.
“Matic wuu dhaawacmay, wuxuuna ku dhaawacmay dabaal dagii koobka” ayuu Mourinho yiri kadib guushii xalay ee West Ham.
“Maahan dhaawac weyn, laakiin maanta xitaa hadii uusan ganaaxnaan laheyn ma ciyaari laheen”
Si kastaba Mourinho ayaa qiray in xidigaan uu taam u noqon doono kulanka ay PSG ku martigalin doonaan Stamford Bridge.