Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro xulka Portugal Moutinho ayaa ka hadlay kulanka habeen dambe kooxdiisa AS Monaco la cayaari doonto Juventus wareega 8-aad koobka horyaalada Yurub lugtiisa 1-aad.
Kulankan oo ka dhici doono magaalada Turin wuxuu ka dhawaajiyay Moutinho in dhamaan dadka oo idil sadaalinayaan in kooxda Juve ay guuleesan doonto balse midaas aysan xaqiiqo ahayn marka laga hadlo tayada ay kooxdiisa leedahay.
” Bianconeri waa naadi awood badan xitaa hadii uu Paul Pogba ka maqan yahay waa koox awoodeeda dheeli tiran tahay”
“Juve waa koxda loo sadaalinaayo inay Semi Final-ka u gudbi doonto sidoo kalena Arsenal ayaa loo sadaalinaayay inay wareega 8-aad u gubdi doonto markii aan la cayaareenay wareegii 16-aad”
“Balse waxaa xaqiiqo ah inaan Arsenal garaacnay sidoo kalena waan Juve reebi karnaa waayo Monaco waa naadi awood badan iskuna kalsoon”
Moutinho oo la hadlaayay Tuttosport ayaa sheegay in hadafkooda uu yahay inay habeen dambe natiijo wanaagsna kasoo helaan Turin.
“180-daqiiqo si adag ayaan u cayaari doonaa balse hadafkeena wuxuu yahay inaan magaalada Turin natiijo wanaagsna kusoo helno waayo iskuma haleyn karno lugta labaad wax walbo ayaa isbadali kao”