Home » Horyaalada » La Liga Spain » Mundo Deportivo: Barcelona Oo Durba U Dhaqaaqday Badalka Pedro Oo La Hadal Hayo Inuu Man United Kusii Jeedo

Mundo Deportivo: Barcelona Oo Durba U Dhaqaaqday Badalka Pedro Oo La Hadal Hayo Inuu Man United Kusii Jeedo


Celta Vigo,

Sida ay ku warantay majaladda Mundo Deportivo ee kasoo baxda dalka Spain kooxda Barcelona ayaa u dhaqaaqday soo xerogalinta badalka garabkooda reer Spain Perdro Rodriguez kaas oo kusii dhawaanaya ku biiritaanka kooxda Man United.

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kooxda Old Trafford ku ciyaarta ayaa kusii dhawaaneysa heshiiska Pedro iyadoo ku qaadaneysa 32.5 Malyan Oo Pound, waxaana arintaas keentay in xidigaan uu boos joogto ah ka waayo kooxda Enrique.

Si kastaba Mundo Deportivo waxey qirtay in Barcelona ay markaan dib ugu soo celineyso Camp Nou NOLITO si uu badal ugu noqdo Pedo.

28-jirkaan wuxuu ka tirsan yahay kooxda Celta Vigo, wuxuuna sidoo kale kazoo hoos ciyaaray Luis Enrique, iyadoo uu Camp Nou ku imaan karo kaliya 18 Malyan Oo Pound oo ah lacagaha heshiikisa lagu jabin karo.

Dhanka kale Pedro Rodriguez wuxuu u muuqdaa mid badal u noqonaya Angel Di Maria Oo kusii dhawaanaya isna ku biiritaanka kooxda Paris Saint Germain.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>