Manchester United ayaa sabtida u safri doonta galbeedka London si ay ula soo ciyaarto Chelsea kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska inkastoo war naxdin leh ay heshay kooxda ka hor kulankaas.
Manchester United ayaase weyn doonta xidigaha kala ah: Daley Blind, Michael Carrick, Marcos Rojo iyo Phil Jones ay seegi doonaan kulankaan.
Wareysiga Isbuuclaha ah oo uu Van Gaal siiyo tv-ga kooxda ayuu ku sheegay in afartaas wiil aysan ka qeyb qaadan doonin kulankaas sabababo dhaawacyo ah.
Carrick ayaa dhaawac kaga baxay garoonka kulankii Manchester City, halak Blind uu isna dhaawac soo gaaray isla kulankaas markii Kompany uu si xun qalad ugu galay.
“Carrick waa dhaawac mana ciyaaro doono” Ayuu Van Gaal u sheegay TV-ga Man United xili uu ku sugnaa xerada tababarka kooxda AON Training Complex.
“Sidoo kale Blind, Jones iyo Rojo Ma ciyaari doonaan, waxey noqon kartaa wax xun madama laba xidig oo loo adeegsan lahaa khadka dhexe ay wada maqan yahiin, sidoo kalana Evans ayaa isna ganaaxan, sidaas darteed waan badali doonaa shaxdeyda kulanak Chelsea” ayuu yiri LVG.
Dhanka kale LVG ayaa qiray in Blind ay jug xoog leh soo gaartay kulankii Manchester City, balse uu isaga jeclaa inuu sii ciyaaro kulankaas.