Sida ku cad jadwalka Fifa iyo France Football Magazine ay u qorsheeyeen Abaalmarinta Ballon d’Or maanta ayey ku beegan tahay waqtigii lasoo yareyn lahaa musharaxiinta Abaalmarinta Fifa Ballon d’Or iyadoo lagu soo koobi doono kaliya sadex ciyaariyahan.
Fifa iyo France Football waxey si wadajir ah ugu dhawaaqeen 23-xidig oo abaalmarintaan midkood uu ku guuleysan doono, inkastoo Luis Suarez uu waayay markii uu dhaqan xumo sameeyay intii lagu guda jiray sanadkaan.
Si Kastaba 23-ka Xidig Ee Horay Loogu Dhawaaqay Ayaa Kala ah:
Gareth Bale (Wales), Karim Benzema (France), Diego Costa (Spain), Thibaut Courtois (Belgium), Cristiano Ronaldo (Portugal), Angel Di Maria (Argentina), Mario Goetze (Germany), Eden Hazard (Belgium), Zlatan Ibrahimovic (Sweden), Andres Iniesta (Spain), Toni Kroos (Germany), Philipp Lahm (Germany), Javier Mascherano (Argentina), Lionel Messi (Argentina), Thomas Mueller (Germany), Manuel Neuer (Germany), Neymar (Brazil), Paul Pogba (France), Sergio Ramos (Spain), Arjen Robben (Netherlands), James Rodriguez (Colombia), Bastian Schweinsteiger (Germany), Yaya Toure (Cote d’Ivoire).
20-xidig ayaa laga saari doonaa liiskaan waxaana lasoo reebi doonaa sadexda xidig ee ugu dambeynta ka qeyb gali doona xaflada la qaban doono 12-ka January markaas oo mid ka mid ah loo magacaabi doono xidiga Aduunka.
Difaacdaha Abaalmarintaan kaas oo sanadii hore ku guuleystay Cristiano Ronaldo kana mid ah sanadkaan raga ugu cad-cad ayaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo sadex xidig, waxaana sidoo kale la filayaa iney kula soo biiraan Lionel Messi oo afar jeer abaalmarintaan ku guuleystay iyo goolhaye Manuel Neuer.
Dhanka kale 10-ka Musharax ee u sharaxan macalinka ugu wanaagsan dunida aya iyana lasoo yareyn doonaa iyadoo lagu soo koobi doono sadex tababare, iyadoo aysan meesha kamarneyn in Abaalmarinta PUSKAS Award iyana laga soo reebi doono sadex ciyaariyahan.