Home » Latin America » Musiibo: Adeerka Derlis Gonzalez Oo Wadno Xanuun U Geeriyooday Kadib Markii Uu Guul Ka Gaarsiiyay Paraguay Dhigooda Brazil

Musiibo: Adeerka Derlis Gonzalez Oo Wadno Xanuun U Geeriyooday Kadib Markii Uu Guul Ka Gaarsiiyay Paraguay Dhigooda Brazil


Derlis Gonzalez

Da’yarka kooxda FC Basel iyo Xulka Paraguay Derlis Gonzalez ayaa shaaciyay inuu geeriyooday adeerkiis xili uu u dabaal dagay guushii ay ka heleen xulka Brazil Quater Finalka Copa America, wuxuuna ahaa xidigii dhaliyay goolka guusha ee ay xulkiisa ku garaaceen Brazil.

Derlis Gonzalez ayaa usoo istaagtay rigooradii ugu dambeysay ee xulkiisa ay ku guuleysteen, shabaqa ayuuna la helay ciyaar kusoo dhamaatay waqtigii loogu tala galay 1-1.

Aabaha xidigaan dhalay ayaa bogga twitter-ka  ku xaqiijiyay dhimashada walaalkiis Irrazabal Manuel, kaas oo ah adeerka Derlis Gonzalez, wuxuuna cadeeyay inuu u dhintay wadno xanuun markii uu ku farxay guusha Paraguay.

Derlis Gonzalez ayaa sidoo kale si murugo leh bogiisa twitter-ka ugu soo qoray: “Sabab maanta adeer, Sabab? waxaad iiga tagtay kadib wadno xanuun kuu yimid sababtoo ah waxaan ku siiyay farxad badan, ma rumeysan karo”

Si kastaba Derlis Gonzalez ayaa noqday geesiga Paraguay waxeyna xulkiisa ku beegan yahiin Argentina Semi finalka Copa America.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>