Daafaca midig ee kooxda Barcelona Dani Alves ayaa la hadal haya inuu isaga tagayo kooxda Barcelona isla markaana kulankiisa ugu dambeeya uu u noqon doono midka ay Berlin kula ciyaari doonaan Juventus finalka koobka horyaalada yurub 6-da June.
Dani Alves heshiiska uu kula jiro kooxdisa wuxuu ku egyahay bishaan June, walina ma helin heshiis kordhin taasna waxey ka dhigan tahay in xidigaan uu si xor ah kaga tagi doono Barcelona oo uu ku sugnaa tan iyo sanadii 2008.
Paris Saint Germain ayaa si aad ah loola xiriirinayay Dani Alves, balse Laurent Blanc ayaa beeniyay wax walba oo la xiriirinaya kooxdiisa daafacii hore Sevilla.
32-jirkaan reer Brazil waxaa haatan kaliya xiiseyneysa kooxda Manchester United oo ka dhigi doonta jabhadda ay xagaaga dambe ugu ololeyn doonto koobabka ay dooneyso iney ku guuleysato.
Louis Van Gaal ayaa doonaya inuu xidigaan lasoo saxiixdo inkastoo sidoo kale Manchester United lala xiriirinayo xidigaha Coleman iyo Clyne oo labaduba ka mid ah wiilasha ugu fiican horyaalka Ingiriiska dhanka midig.
Ugu dambeyntii Mustaqbalka Alves ayaa bishaan la go’aamin doonaa inkastoo ay macquul tahay in Barcelona ay heshiis cusub ka saxiixdo.