Home » Maxaa Cusub » Mustaqbalka Van Gaal Oo Ku Xiran Shanta Kulan Ee Xasaasiga Ah Ee Kusoo Fool Leh, Ma Is Badbaadin Karaa?

Mustaqbalka Van Gaal Oo Ku Xiran Shanta Kulan Ee Xasaasiga Ah Ee Kusoo Fool Leh, Ma Is Badbaadin Karaa?


LVG

 

Inkastoo maamulka kooxda Manchester United ay aaminsan yahiin macalinkaan reer Holland, hadana dulqaadka uma saamixi doono iney sii daayaan hadii ay kooxda mar kale ku guuldareysato iney kasoo qeyb gasho tartanka Champions League.

Shanta kulan ee kusoo fool leh Louis Van Gaal ayaa ah kuwo xasaasi ah, iyadoo laga warqabo in guuldarooyin uu la kulmo kulamadaas ay u hogaamin karto iney kooxda kasoo dhacdo booska looga soo baxo tartankaas, waxeyna noqoneysaa in markii labaad oo xiriir ah ay kooxda ka maqnaato.

Hadaba cadaadiska saaran Van Gaal ayaa sii baahaya waxaana kulamada u dhiman ay yahiin kuwo xasaasi ah oo ay la ciyaari doonaan sadex ka mid ah kooxaha: Man City, Chelsea iyo Liverpool, laba ka mid ah marti ayey noqon doontaa halka City ay Old Trafford soo booqan doonto.

SHANTA KULAN EE UNITED:

Sunday, 15 March Tottenham (H)
Sunday, 22 March Liverpool (A)
Saturday, 4 April Aston Villa (H)
Sunday, 12 April Manchester City (H)
Saturday, 18 April Chelsea (A)

Louis Van Gaal oo qarash gareyay 150 Malyan Oo Pound hadii uu kooxda dib ugu soo celin waayo Champions League, waxey ka dhigan tahay in albaabka la tusi doono wuxuuna noqon doonaa macalinkii labaad oo ay mudo laba sano ah iska ceyriso United.

Dhanka kale United waxey ka warqabtaa in kaalinta 7-aad ee horyaalka oo ay xili ciyaareedkii hore ku dhameesatay ay u jirto kaliya 4-dhibcood waxaana haatan fadhiya Southampton.

Waxaa iyana jirta in xidiga ugu qaalisan kooxda Angel Di Maria uu ku wareeray horyaalkaan inkastoo ay xaaladiisa sii hurineyso saxaafadda aan xishoodka laheyn ee Ingiriiska kuwaas oo qiimeyntooda kusoo gudbiya hadba muuqaal walba oo jira.

Ugu dambeyntii Van Gaal wuxuu fursad u heystaa inuu shaqadiisa xiliga dambe badbaadiyo, wuxuuse heli karaa fursad uu kooxda kusii maamulo hadii uu galo afarta ugu sareysa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>