Weeraryahanka xulka Ireland iyo kooxda Southampton Shane Long ayaa todobaadkaan dhaliyay gool mucjiso ah oo uu ka laaday meel aad uga fog goolka Aston Villa kulan Ay Southampton xasuuqday Aston Villa.
Wiilasha Ronald Koeman ayaa nus darsan goolal ah ku harqiyay Aston Villa kulan qeybtii hore ciyaarta waali ahaa waxaana Shane Long uu dhaliyay goolkii afaraad ee Southampton daqiiqadii 26-aad.
Daawo uguna codeey hadii uu yahay goolka todobaadka iyo hadii kale, waxaase hubaal ah inuu yahay gool aad u cajiib badan.