Home » Maxaa Cusub » Muxuu Kusoo Dhamaaday Kulankii Halyeeyada Champions League-ga Ee Xalay Ka Dhacay Magaalada Berlin (+Sawiro)

Muxuu Kusoo Dhamaaday Kulankii Halyeeyada Champions League-ga Ee Xalay Ka Dhacay Magaalada Berlin (+Sawiro)


CL9

Inkastoo Luis Figo uusan ka qeyb galin kulankii xalay kadib codsi ka yimid Barcelona oo ay ku dalbatay in laga saaro liiska, hadana waxaa jiray halyeeyo waaweyn oo kasoo muuqday kulankii finalka ee xalay ka dhacay Berlin.

Koox isku qas ah oo ka socotay halyeeyada Juventus iyo Barcelona ayaa ka hor yimid kuwo laga soo xulay kubada cagt dunida waxaana kasoo qeyb galay taageerayaal gaaraya 1000 (kun).

Edwin van der Saar, Eric Abidal, Deco, Cafu, Trezeguet iyo Marcelo Salas ayaa kasoo muuqday kulankaan wuxuuna ahaa mid goolal badan la isku fatahay.

Halyeeygii hore reer Brazil Zico ayaa tababare u ahaa kooxda halyeeyada Barcelona iyo Juventus, Mark Van Bomel, Del Piero iyo Bronckhorst ayaa kulanka qeyb ka ahaa iyadoo Deco uu isna kasoo muuqday.

Kooxdii ka socotay xidigaha Aduunka ee ay hogaaminayeen Peter Schmiechel iyo Ruud Gullit ayaa ku adkaatay 14 iyo 12 ciyaartana waxaa saameyn ku lahaa Davor Suker xidigii hore xulka Croatia.

25 xidig oo ku guuleystay koobka Horyaalada Yurub ayaa kasoo muuqday koobkaan waxeyna aheyd ciyaar aad u qurux badan.

Xidigahii Kasoo Muuqday Kulanka:

JUVENTUS AND BARCELONA LEGENDS: Edwin van der Sar, Ciro Ferrara, Ludovic Giuly, Marcelo Salas, Fabrizio Ravanelli, Giovanni van Bronckhorst, Mark Iuliano, Edmilson, David Trezeguet, Mark van Bommel, Deco, Eric Abidal, Christian Vieri

WORLD ALL-STARS: Cafu, Robert Pires, Predrag Mijatovic, Davor Suker, Giovane Elber, Clarence Seedorf, Rai, Christian Karembeu, Steve McManaman, Pierre van Hooijdonk

DAAWO SAWIRADA:

CL CL1 CL2 CL3 CL4 CL5 CL6 CL7 CL8

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>