Home » Maxaa Cusub » Muxuu Sami Khedira Ka Yiri Wararka La Xiriirinaya Kooxaha Man United Iyo Arsenal?

Muxuu Sami Khedira Ka Yiri Wararka La Xiriirinaya Kooxaha Man United Iyo Arsenal?


Sami

 

Burburiyaha Real Madrid iyo Xulka Jarmalka ayaa ka hadlay markii ugu horeysay wararkaan ay faafiyeen warbaahinta Ingiriiska ee la xiriirinaya kooxaha Manchester United iyo Arsenal isagoo qiray ineysan jirin koox uu wadahdal la galay.

Xidigaan reer Jarmal qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa wuxuu dhacayaa June 2015, waxaana la hadal hayaa inuu isaga tagi doono inkastoo Ancelotti uu qiray in xidigaan ay ka saixixi doonaan heshiis cusub.

Kooxo badan ayaa xidigaan indhaha ku hayay kuwaas oo doonaya iney bisha January la saxiixdaan madama Real Madrid aysan xidigaan rabin inuu si xor ah kaga tago bartamaha sanadka soo aadan.

“Ma Jirto koox aan wadahadal la galay” Ayuu Sami u sheegay Kicker.

“Waligeyna ma qorsheynin inaan baxo, Walina taas isma aysan badalin”

“Real Madrid waa koox weyn, Mana Jirto sabab aan u dhaho waxaan doonayaa inaan kooxda ka tago” Ayuu yiri Khedira oo hadalkiisa sii wata.

Hadalka kasoo yeeray Samik Khedira ayaa dhabar jab ku ah kooxaha Ingiriiska kuwaas oo doonayay saxiixa xidgiaan, Dhanka kale Khedira ayaa kaliya saftay 4  kulan, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu badal ku imaanayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>