Macalinka reer talyaani ee maamula kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan caasimada iyo midka Iker Casillas.
Ancelotti kaliya hal sano ayaa kaga haray qandaraaska uu kula jiro Real Madrid, wuxuuna qiray inuusan ku ordi doonin heshiis cusub balse uu isku diyaarinayo inuu xiliga dambe sii joogo kooxda.
“Kuma dagdagi doono, waxaa ii haray hal sano heshiiskeyga bal aan aragno hadii la ii cusbooneysiiyo iyo hadii kale” ayuu tababaraha Madrid ugu waramay Marca.
“Waan ka hadalnay inaan fariisan doono kana hadli doono arinkaas, balse maalintaas wali ma aysan imaan” ayuu yiri Carlo.
“Hadii aysan kooxda maanta ii wicin waxey ii wici doonaan September, ama maba ii wici doonaan, ma weydiisan doono iney heshiiska ii kodhiyaan, macalinka wuxuu ku xiran yahay natiijada, wax walba ayaa dhici kara, waxaan isku diyaarinayaa xiliga soo aadan” Ayuu hadalkiisa ku daray Ancelotti.
Sidoo kale Carlo Ancelotti ayaa wax laga weydiiyay hadii Iker Casillas uu xagaaga dambe kooxdiisa baaqi kusii ahaan doono iyo hadii kale.
“Waan hubaa in Iker uu joogi doono Real Madrid inta ka harsan waayahiisa ciyaaraha” Ayuu yiri Ancelotti oo u muuqda mid wax badan ka og qorshaha Iker.