Home » Horyaalada » italian Serie A » Muxuu Yahay Qorshaha Francesco Totti Marka Uu Ka Fariisto Kubada Cagta?

Muxuu Yahay Qorshaha Francesco Totti Marka Uu Ka Fariisto Kubada Cagta?


Totti

Kabtanka Kooxda As Roma Francesco Totti ayaa soo hadal qaaday qorshaha uu hiigsanayo marka uu isaga fariisto kubada cagta, wuxuuna qiray inuu doonayo inuu tababare u noqdo kooxda As Roma.

38-jirkaan ayaa waayahiisa kubada cagta heer walba ku qarash gareeyay caasimada dalka talyaaniga ee Roma, wuxuuna u dhaliyay 293-goal, 718-kulan oo uu xirtay maaliyada Giallarossi, wuxuuna dhawaan noqday xidigii ugu da’da weynaa ee Champions League goal ka dhaliya kadib gool uu ku barbareeyay Manchester City.

Francesco Totti ayaa la weydiiyay hadii uu raaci doono wadadii ay qaadeen Vincenzo Montella, Roberto Mancini iyo Pep Guardiola kuwaas oo tababaryaal u noqday kooxahii ay usoo ciyaareen balse wey ku adkaatay inuu arinkaas ka leex-leexo wuxuunha qiray inuu jecel yahay inuu raaco wadadaas.

“Waan jeclahay inaan maamulo Roma, dabcan” ayuu Totti u sheegay La Gazzetta dello Sport

Dhanka kale Francesco Totti ayaa doonaya inuu sameeyo wixii uu sameeyay Zinadine Zidane kaas oo wiilkiisa Enzo kusoo barbaariyay kuleejka Real Madrid ilaa uu kasoo gaaro heer uu u safto kooxda Real Madrid B isbuucaan xili Zidane uu fadhiyay kursiga keydka.

Totti wuxuu qiray inuu doonayo inuu wiilkiisa Cristian uu kuleejada ku barbaarin doono isla markaana uu sameyn doono wixii uu sameeyay Zidane.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>