Kadib markii Baska naadiga Fenerbahce uu weerar ku qaaday nin qori wato sidoo kalena darawalkii kooxdan uu dhaawacmay waxay naadigan soo jeedisay in gabi ahaanba horyaalka heerka kowaad ee dalka Turkiga la joojiyo.
Fenerbahce waxay mashaqadan ku dhacday kadib markii ay 5-1 kaga badisay naadiga Rizespor xili ay safar dib ugu soo laabaneesay garoonkeeda balse nin qori ku hubeesan ayaa Baska kooxdan weerar ku qaaday wuxuuna la dhacay rasaas aan kala sooc laheyn taasi oo sababtay inii darawalkii dhaawacmo.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xarunta naadiga Fenerbahce ayaa looga dalbaday xiriirka kubada cagta Turkiga inay gabi ahaanba joojiyaan horyaalka heerka kowaad madaama talo faraha ka baxday haatana amniga cayaartooyda aan la sugi karin.
Masuul ku hadlaayay magaca naadiga Fenerbahce ayaa la hadlay BBC-da wuxuuna yiri “Halka ay dhacdaa ka dhacay waxay goob dhinac keyn ah halka dhinaca kalena ay bada nag xigtay”
“Hadii baska uu gadoomi lahaa dhamaanteena badda ayaan ku hooban laheyn, qof walbo wuu cabsaday waxaana nagu dhacday masuubo aad u daran”