Maamulka kooxda PSG oo looga bartay inay sanad walbo lacago badan suuqa Yurub ku faraqaan ayaa doonayaan inay xagaagan lasoo saxiixdaan Sergio Aguero.
Wararka laga helaayo dalka France ayaa sheegayo in PSG ay ku dhawaad 60-milyan oo pound kusoo iibsna doonto Aguero oo ay macquul tahay inuu xagaagan kooxdiisa Man City isaga hayaamo.
Warbixin dheeraad ah ayaa sheegayo in xidiga reer Argentina uu quus ka taagan yahay kooxdiisa madaama ay noqotay naadi aan hormar ka sameyn karin koobka horyaalada Yurub.
Imaatinka Aguero ayaa dhignaan doonto in Edinson Cavani fadhi u oolin wuxuuna xidiga reer Uruguay ku qasban yahay inuu caasimada France isaga hayaamo.
Cavani ayaa siweyn loo hadal hayaa inuu Premiership-ka England usoo dhaqaaqi doono waxaana saxiixiixa xiiso gaar ah u qabaan Man United, Arsenal, Liverpool iyo Man City.
Sidoo ale warbixintan ayaa lagu sheegay in Man City ay iyadana lasoo saxiixan doonto Raheem Sterling oo ka gadoodsan inuu Liverpool heshiis cusub u saxiixo.