Home » Maxaa Cusub » Naadiga Southampton Oo Dhigeeda Man United Ka Aqbashay Dalabka Ku Aadan Morgan Schneiderlin

Naadiga Southampton Oo Dhigeeda Man United Ka Aqbashay Dalabka Ku Aadan Morgan Schneiderlin


schneiderlin

Wargeska Daily Star ayaa shaaca ka qaaday in kubad bur buriyaha xulka France ka tirsan Morgan Schneiderlin uu haatan kusii dhawaanayo ku biiritaanka kooxda Man United.

Naadiga Southampton ayaa si rasmi ah u aqbashay dalab £20million oo dhanka Man United kaga yimid waxaana qiimahaan sare loo sii qaadi doonaa ilaa £25m marka uu xidigan Old Trafford kasoo muuqdo xiliyo kala duwan.

Daily Star ayaa sheegay in haatan Man United iyo Southampton ay heshiis wada gaareen sidoo kalena la filaayo Morgan Schneiderlin inuu fasaxiisa soo gaabiyo si uu Man United heshiiska shaqsiga ah ula gaaro una maro tijaabo caafimaad.

Aqbaartan waxay waji gabax ku tahay kooxda Arsenal oo mudo dheer ku raad joogtay Morgan Schneiderlin oo ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan Premiership-ka England dhanka khadka dhexe.

Sidoo kale wargeska Mirror ayaa sheegay in imaatinka Schneiderlin ay ka dhigan tahay inay Man United gabi ahaanba iska soo afjari doonto qorshihii ay ku dooneesay inay xagaagan kula soo saxiixato Bastian Schweinsteiger.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>