Home » Horyaalada » Bundesliga » Nasiib Daro: Holger Badstuber Oo Mar Kale Mudo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doona

Nasiib Daro: Holger Badstuber Oo Mar Kale Mudo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doona


Badstuber

Daafaca dhexe ee kooxda Bayern Munich Holger Badstuber ayaa mar kale kusoo laabtay wadadii dhaawaca wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa mudo afar bilood ah kadib dhaawac dhanka muruqa ah oo soo gaaray.

Xidigaan heerka caalami ee xulka Jarmalka waxaa mustaqbalkiisa halakeeyay dhaawacyo sanadihii ugu dambeeyay isagoo 600 maalin maqnaa intii u dhaxeysay 2012 iyo 2014, haatana dib ayuu ugu laabtay dhaawacii.

Holger Badstuber ayaan garoomada kasoo muuqan doonin inta ka harsan xili ciyaareedkaan waxaana laga yaabaa inuu seego bilowga xiliga soo aadan.

Sidoo kale Madaxa kooxda Karl-Heinz Rummenigge ayaa ka hadlay isagoo ku tilmaamay arin laga xumaado in Bayern ay weyso dagaalyahan mar dhaw garoomada kusoo laabtay.

Si kastaba Bayern ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay la daalaa dhaceysay dhibaatooyin dhaawac waxaana haatan ka maqan, Robben, Alaba, Ribery iyo Bastian.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>