Home » Horyaalada » La Liga Spain » Nasiib Xumaa Arda Turan Oo Dhaawac Cusub Soo Gaaray Lagana Cabsi Qabo Inuu Mudo Dheer Garoomada Ka Maqnaado

Nasiib Xumaa Arda Turan Oo Dhaawac Cusub Soo Gaaray Lagana Cabsi Qabo Inuu Mudo Dheer Garoomada Ka Maqnaado


Arda

Kubad qaabeeyaha reer Turkey Arda Turan dhaawac cusub ayaa soo gaaray xili uu tababarka kooxdiisa cusub ee Barcelona ku guda jiray.

Warbixin rasmi ah ayaa lagu sheegay in Arda Turan uu dhaawac dhanka jilibka ah soo gaaray sidoo kalena baaritaan lagu sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in dilaac gudaha ah uu jiro.

Sidaa darteed baaritaan dheer ah ayaa lagu sameyn doonaa taasi oo lagu xaqiijin doono mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Dhaqaatiirta Barcelona ayaa ka deyriyeen dhaawaca soo gaaray Arda Turan sidaa darteed si qoto dheer ayaa xalaadiisa baaritaan dheeri ah loogu sameyn doonaa waxayna warar hordhac ah sheegayaan in xidigan uu mudo dheer garoomada ka maqnaan doono.

Arda Turan dhaawac dhanka gumaarka ah ayuu dhawaan kasoo kabtay wuxuuna xidigan ku rajo weynaa inuu kooxdiisa cusub ee Barcelona tababar joogto ah la qaato si uu ula qabsado laakiin nasiib xumo ayaa lasoo daristay.

Arda Turan dhowr todobaad ka hor ayuu kooxda Atletico Madrid lacago badan kasoo tagay balse haatan mustaqbalkiisa ayaa mugdi soo wajihi doonaa madaama mudo aan la cayimin uu garoomada ka maqnaan doono.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>