Home » Latin America » Nasiib Xumaa Marcelo Oo Aan Xulka Brazil Kala Qayb Qaadan Doonin Tartanka Copa America

Nasiib Xumaa Marcelo Oo Aan Xulka Brazil Kala Qayb Qaadan Doonin Tartanka Copa America


Marcelo+Brazil+Training+Session+tk7O9hRAvYAl

Daafaca garabka bidix ee xulka Brazil iyo kooxda Real Madrid Marcelo waxaa soo gaaray dhaawac dhanka dhabarka ah.

Waxaana haatan la xaqiijiyay inuusan ka qayb qaadan doonin tartanka Copa America oo 14-ka bisha June dalka Chile ka bilaaban doono.

Rodrigo Lasmar oo ah dhaqtarka xulka Brazil ayaa dhaawaca Marcelo ka hadlay wuxuuna yiri “Markii hore waxaa naloo sheegay Marcelo uu dhaawac dhabarka ah soo gaaray xili uu Real Madrid tababar la qaadanaayay”

“Balse markii aan baaritaan ku sameenay waxaan ogaaanay in xaaladiisa ay halis tahay iskaba dhaaf inuu kubad cayaaro xitaa ma socon karo!”

Daafacan nasiibkiisa ayaa xumaaday madaama uusan xulkiisa Brazil tartanka Copa America kala qyab qaadan doonin.

Macalin Dunga ayaa ka xun dhaawaca soo gaaray Marcelo wuxuuna rabay in xulkiisa awoodiisa hoos u dhicin waayo dhawaan xulka Brazil waxaa dhaawac uga haray Oscar oo Chelsea ka tirsan oo an sidoo kale Copa Amerika ka qayb qaadan doonin.

Marcelo ayaa la sheegay inuu mudo sedex todobaad ah garoomada ka maqnaan doono sidaa darteed fasaxiisa xagaaga asigoo dhaawac ah ayuu qaadan doonaa.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>