Sky Sports ayaa ogaatay in goolhayaha kooxda Westbromwich Albion Ben Foster uu garoomada ka maqnaan doono mudo lix bilood ah taasoo ka dhigan inuu xitaa seegi doono bilowga xili ciyaareedka soo aadan.
Foster ayaa la badalay kulankii ay kooxdiisa guusha ka gaartay Stoke City todobaadkii hore, waxaana horay loo rajeynayay inuu mudo bil ah garoomada ka maqnaado.
31-jirkaan heerka caalami ayaa ka mid ahaa goolhayayaasha ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska sidoo kalana kaalin mug leh ka qaadanayay hormarka kooxda West Brom.
Si Kastaba qaliin lagu sameeyay xidigaan ayaa lagu ogaaday inuu kasoo kabsan doono bisha October ee sanadkaan waxaana dhaawaca uu kasoo gaaray jilibka.