Home » Maxaa Cusub » Nemanja Matic “Aqoonsigii Aan U Baahnaa Heer Naadi Iyo Heer Qaranba Maanta Ayaan Helay”

Nemanja Matic “Aqoonsigii Aan U Baahnaa Heer Naadi Iyo Heer Qaranba Maanta Ayaan Helay”


Matic

Mashiinka khadka dhexe ee kooxda Chelsea dhaqaajiyo Nemanja Matic ayaa ka hadlay sida uu haatan ugu faraxsan yahay heerka uu ka taagan yahay kubada cagta, madaama xidigan uu dhib badan soo maray.

Matic ayaa ka dhawaajiyay in haatan xulkiisa Serbia iyo Chelsea uu maqaam sare ku leeyahay wuxuuna yiri “Farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta kubada cagta heer sare ka taaganahay sidoo kalena aan aqoonsi buuxdo ka heesto xulkeyga Serbia iyo Chelsea”

“waxaansoo maray marxalado adag waayo xili Chelsea kalsooni buuxdo kama helin sidoo kalena dalkeyga hooyo aqoonsigii aan u baahnaa inaan ka helo dhib badan ayaan u maray”

Matic asigoo dhalin ya waxaa fursad cayaareed u diideen labada naadi ee dalka Serbia ugu weyn Red Star iyo Partizan Belgrade sidoo kalena markii uu dalka England yimid kooxda Chelsea kuma kalsoonaanin waxayna ku wareejisay naadiga Benfica.

Kadib sanado badan oo uu halgan soo galay Matic dib ayuu Chelsea ugu soo laabtay haatana waa xidig aysan Blues ka maarmin sidoo kalena haatan hogaamiyaha xulka Serbia inkastoo yaraantiisa labada naadi ee dalka Serbia ugu awooda badan u diideen fursad uu isku muujiyo!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>