Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Chelsea Nemanja Matic ayaa ka xun in saaxiibkiis ay isku kooxda ahaayeen goolhaye Pet Cech uu naadiga Arsenal xagaagan ku biiray.
Nemanja Matic ayaa aaminsan in Cech uu awood dheeraad ah kooxda Arsenal ku kordhin doono xili cayaareedka cusub.
Nemanja Matic oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Petr waa laacib aad u wanaagsan sidoo kalena ah goolhaye tayadiisa aad u sareyso waxaana hubaa inuu wax badan Arsenal ku kordhin karo”
“Waa saxiixii ugu wanaagsanaa oo ay Arsenal dhawaanahan sameyso laakiin aniga kuma faraxsani inuu Arsenal ku biiray”
“Petr wuxuu ka mid yahay goolhayeyaasha caalamka ugu wanaagsan balse waxaan jeclaan lahaa in xili cayaareedkan uusan bandhig wanaagsan sidii uu 10-sano iyo 11-sano ee ugu dambeesay u fiicnaa oo kale aana arkin”
“Balse waan ku farxasanahay inuu London kusii ahaan doono waxayna muhiim tahay asiga iyo qoyskiisa waxaana u rajeynaa nasiib wacan”
“Sidoo kale waxaa muujineyso Petr inuu yahay xidig aad u wanaagsan madaama ay kooxdiisa Arsenal heshiis 4-sano ah ka saxiixday”
Petr Cech xagaagan ayuu Arsenal ku biiray waxayna ku qaadatyay 10-milyan xili uu isaga hayaamay Chelsea oo uu mudo 10-sano ah ka tirsanaa.