Kulamadii ugu dambeeyay Premiership-ka England intooda badan xiiso malaheyn marka laga reebo labada kulan ee dhex mareen Hull City Vs Man United iyo New Castle Vs West Ham United.
Waayo kooxaha New Castle iyo Hull City ayaa isku heesteen naadiga xili cayaareedka baaqi kusii ahaan doonto madaama labadan koox ay isku heesteen booska ugu dambeeyay ee lagu kala haraayay.
Hadaba kooxda New Castle ayaa calfatay inay baaqi kusii ahaato EPL madaama ay 2-0 ku suul daartay kooxda West Ham United.
New Castle oo ku cayaareesay garoonka St James Park waxaa saarnaa culees xoogan waayo hadii Hull City Man United ka badin laheyd iyadana ku guul dareesan laheyd inay badiso heerka labaad ayay gali laheyd.
Kooxda Hull City waxay ku guul dareesatay inay guuleesato ayadoo 0-o la dhaafi weesay Man United haatan si rasmi ah ayay Hull City heerka labaad ugu laabatay.
New Castle labada gool ee u suura galiyeen inay EPL baaqi kusii ahaato waxaa u dhaliyeen Moussa Sissoko daqiiqadii 54-aad iyo Jonas Gutierrez daqiiqadii 85-aad.
New Castle waxay u ahayd guushii ugu horeesay oo ay gaarto tan iyo bishii Febraayo Premiership-ka England balse guushan ayaa ka caawisay inay baaqi kusii ahaato horyaalka England xili cayaareedka dambe.