Xidiga Barcelona Neymar JR ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay u muhiimsan tahay guul ay gaarto kulanka Champions League-ga ee Ajax isla markaana ka muhiimsan tahay iney guul gaaraan kulanka El-Clasico ee Sabtida.
Weeraryahankaan reer Brazil ayaa sameeyay hormar weyn xili ciyaareedkaan madama uu dhaliyay 9-gool, dhamaan tartamadii uu ciyaaray wuxuuna doonayaa inuu sii wado bandhigiisa fiican kulanka Champions League-ga ee ay wajahayaan Ajax ka hor inta aysan sabtida u safrin Real Madrid kulan ka tirsan La Liga Spain.
“Kulanka talaadada waa inaan guuleysano, kaliya markaas ayaan ka fakari karnaa waxa ku saabsan El-Clasico” Midee ii muhiimsan? inaan gool ka dhaliyo Ajax sidoo kalana aan ka dhbaliyo Real Madrid labadaba waa muhiim” Ayuu xidigaan ku sheegay shirkiisa jaraa’id.
“Aad bey u adag tahay waana kulan aad u muhiim ah midka Ajax, waxaan mar walba u ciyaarnaa inaan guuleysano, balse waxaan aaminsanahay iney tahay koox weyn isla markaana ka adag difaaca iyo weerarka, si adag ayaana u shaqeyn doonaa”
Dhanka kale Neymar JR ayaa ku faraxsan soo laabashada Luis Suarez oo laga yaabo inuu ka qeyb qaato kulanka Real Madrid ee sabtida dhici doona madama Jimcada uu u dhamaan doono ganaaxiisa afarta bilood ah.
“Fikirkeyga Messi waa xidiga ugu wanaagsan aduunka, waan ku faraxsanahay inaan la ciyaaro, balse waxaa sidoo kale jooga Luis Suarez oo isna wanaagsan waxaana hubaa inuu wax badan u qaban doono kooxda”