Home » Horyaalada » La Liga Spain » Neymar “Hadii Aan Gudoomiyaha Barcelona Ahaan Lahaa Alves Heshiis Cusub Ayaan Ku Abaal Marin Lahaa!!”

Neymar “Hadii Aan Gudoomiyaha Barcelona Ahaan Lahaa Alves Heshiis Cusub Ayaan Ku Abaal Marin Lahaa!!”


Neymar and Alves

Weeraryahanka reer Brazil Neymar ayaa la yaaban saaxiibkiis Dani Alves in weli aysan maamulka Barcelona wax heshiis cusub ah ka saxiixin.

Neymar ayaa ku tilmaamay Alves inuu ka mid yahay daafacyada aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena loo baahnaa in kooxdiisa ay marhore xidigan mustaqbalkiisa cayaareed xal u hesho.

Asigoo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Hadii aan gudoomiyaha Barcelona ahaan lahgaa Dani Alves marhore ayaan heshiis cusub ku abaal marin lahaa”

“Waxaan rajeynaa in Alves uu nala sii joogo waayo aadban ugu baahanahan wuxuuna ka mid yahay xidigaha Barcelona ugu muhiimsan”

Alves oo 32-jir ah qandaraaska Barcelona uu kula joogo ayaa dhamaaday waxaana la filaa xidigan inuu kooxdiisa macsalaameeyo sabtiga nagu soo fool leh wixii ka dambeeyo waa hadii aan heshiis cusub laga saxiixin.

Dhanka kale Neymar ayaa ka hadlay kulanka Finalaha Champion-ka oo ay sabtiga Juventus la cayaari doonaan wuxuuna yiri “Waxaan u maleynaa kulanka Juventus inuu noqon doono cayaarta ugu adag  ee aan xili cayaareedkan cayaarno”

“Laakiin waxaan rabnaa inaan taariikh sameyno sidaa darteed diyaar ayaan u nahay inaan kulankan adag guuleesano”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>