Laba gool oo ay kala dhaliyeen Neymar JR iyo Lionel Messi ayey kooxda Barcelona kaga taqalustay Espanyol kulankii Catalunya derby ee ay Barca martida aheyd iyadoo sii xajisatay hogaanka horyaalka.
Barcelona haatan waxey hogaanka ku heysaa shan dhibcood oo nadiif ah, inkastoo Real Madrid ay kulan gacanta ku heysato iyadoo habeen dambe la ciyaareysa Celta Vigo.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad leh madama labada kooxood ay yahiin kooxo aad u xifaaltama isku gobolna ah, balse Barca ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 16-aad.
Messi ayaa kubad sare ku caawiyay Jordi Alba oo geesta taagnaa kaas oo isna si hal-haleel ah kubada ugu gudbiyay Suarez oo taagnaa meel aan goolka ka afogeen balse xidiga reer Uruguay wuxuu kubadii kaga booday Neymar oo isna shabaqa la helay kubada.
Barca ayaa hogaanka dheereysatay daqiiqadii 24-aad waxaana shabaqa ku shubay Messi isagoo caawinaad ka helay Suarez inkastoo kubada uu sidoo kale ka shaqeeyay Iniesta.
Qeybtii hore ciayarta ayaa lagu kala maray 2-0, oo ay Barcelona ku hogaamineyso balse markii la isku soo laaabtay Jordi Alba ayaa casaan la siiyay isagoon sameyn wax qalad ah marka laga reebo inuu la murmay garsooraha.
Lionel Messi ayaa u dhawaaday inuu dhaliyo goolkiisii labaad markii uu kubad la galay goolka, balse kubadii uu goolka aadiyay birta ayey ku dhacday.
Natiijada ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 2-0, oo ay guusha ku raacday Barcelona, iyadoo wiilasha Enrique ay is dhaafiyeen kulan culus.