23-jirka kabtanka u ah xulka Brazil Neymar Jr. xantiisa ma moogo sidaa darteed weeraryahankan ayaa u jawaabay dadka dhaliisha gaarka ah usoo jeediyeen xili uu xidigan fasax ku jiro.
Neymar oo haatan damaashaad iyo dalxiix u joogo magaalad Las Vegas ayaa ka jawaabay dhaliil ahayd inuu waajibkiisa xulka Brazil gudan waayay haatana raaxo isaga jiro.
Wuxuuna yiri “Waxaa la ii dhalay inaan faraxsanaado, mana ahan inaan qof walbo raali galiyo, waayo xaq ayaan u leeyahay inaan qaato nasiino aan u qalmo”
“Sanadii 2010 ayaa iigu dambeesay inaan qaato nasiino sidan u wacan oo kale waayo 5-sano oo xariir ah halgan adag ayaan ku jiray heer naadi iyo heer qaran”
“Mana mudni in nolosheyda gaarka ah wax laga sheego iyo sida aan u raaxeesanaayo balse waxaan mudanahay in la iigu amaanay wixii ii qabsoomay 5-sano ee ugu dambeesay”
Neymar kaliya labo kulan ayuu xulkiisa Brazil u cayaaray tartankii Copa America kadibna si muran badan ayuu casaan ku qaatay asigoo muteestay ganaax 4-kulan ah xulkiisana wareega 8-aad ayay ku hareen.
Balse xili cayaareedkii dhawaa weeraryahankan kooxdiisa Barcelona wuxuu kula guuleestay sedex koob oo taariikhi ah asigoo dhaliyay 37-gool dhamaan tartamada kala duwan.