Home » Horyaalada » La Liga Spain » Neymar “MSN Ayaa In Badan Haatan Ka Wanaagsan BBC”

Neymar “MSN Ayaa In Badan Haatan Ka Wanaagsan BBC”


msn

Weeraryahanka reer Brazil Neymar ayaa helay fursad uu ku liid sedexda weeraryahan ee kooxda Real Madrid ku faanto Karim Benzema, Grtahe Bale iyo Cristiano Ronaldo (BBC).

Madaama BBC haatan xaalka ku xun yahay Neymar ayaa ka dhawaajiyay inay ka wanaagsan yihiin asiga, Suarez iyo Messi (MSN) marka loo bar bar dhigo BBC.

“Su’aasha waxay tahay maka wanaagsan nahay haatan BBC?”

“Waxaan u maleynaa inaan in badan ka fiicanahay BBC laakiin marwalbo ma jecli inaan ka hadlo arimaha xifaaltanka ah”

“Marwalbo waxaan aaminsanahay inaan nahay weerarka ugu wanaagsan aduunka, Suarez iyo Messi uma baahno in lala hadlo marka ay garoonka ku jiraan waa labo xidig oo garaadkooda aad u sareeyo”

“Messi waa xidiga aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena Suarez isagana wuu wanaagsan yahay anigana waxay ii tahay farxad inaan labadan xidig la cayaaro”

Barcelona iyo Real Madrid waxay kulan El Classico ah ku balansan yihiin 22-ka bishan waana kulan go’aamin karo kooxda La Ligaa qaadi karto waayo haatan Barcelona ayaa hal dhibic sareyso.

Neymar oo ka hadaayo kulankan wuxuu yiri “Waxaan u tixgalin doonaaa kulan Final ah oo kale, waxaan heesanaa koox fiican, sidoo kalena waa inaan ka fikirnaa sida aan guusha ku heli karno”

“Waayo arin cajiib ah ayay noqon doontaa hadii aan Real Madrid 4-dhibcood hogaanka horyaalka kaga qabano kulanka El Classico kadib”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>