Shabakada Sport ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka reer Brazil Neymar Jr. uu kooxdiisa Barcelona heshiis cusub u saxiixay.
Laacibkan dhalintiisa aadka u sareyso ayaa saxiixay heshiis u ogolaan doono inuu Camp Nou kusii sugnaado ilaa sanada 2020.
Sidoo kale Neymar wuxuu hada kadib sanad walbo qaadan doonaa €12 million taasi oo ka dhigan in 58% mushaarka uu haatan Camp Nou ka qaato sare loo qaaday.
Maamulka Barcelona ayaa xidigan ku abaal mariyeen kaalinta uu ka geestay in xili cayaareedkan ay Barcelona ku guuleesato sedex koob oo taariikhi ah.
Sidoo kalena Neymar xili cayaareedkan wuxuu sameeyay bandhig aan caadi ahayn madaama uu kooxdiisa u dhaliyay 39-gool dhamaan tartamada kala duwan.
Barcelona ayaa dooneyso inay sanado badan isku heesato sedexda weeraryahanka ee caalamka ugu qatarsan xiligaan Lionel Messi, Neymar iyo Luis Suarez.
Sidaa darteed Neymar oo ku faraxsan nolosha Camp Nou ayaa ogolaaday inuu Barcelona lasii joogo 5-sano ee nagu soo fool leh.